(Sawirro) Wasiirka , Wasiiru dowlaha iyo Wasiir kuxigeenka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan isbarasho ah la yeeshay agaasimayaasha waaxyaha.

0

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer oo ay wehliyaan Wasiiru dowlaha Wasaaradda H.E. Khaled Omar Ali iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda H.E. Ahmed Ali Kadiye ayaa maanta markii ugu horeysay Kulan isbarasho ah la yeeshay agaasimayaasha waaxyaha wasaaradda oo ay ku booriyeen inay dardar geliyaan howlaha shaqo ee ay u hayaan qaranka .

Kulanka oo la isku weydaarsaday tallooyin kala duwan oo wax ku ool ah , ayaa waxaa ay Wasiirada cusub ay ku dhawaaqeen in ay muhiim tahay horumarinta geedi socodka shaqo ee Wasaaradda si aaney u dhicin  habacsanaan  ku timaada qorshayaasha la hiigsanayo iyo u howlgalidda hindise isla xisaabtan ah.

Kulankan oo ahaa isbarasho iyo xog wareysi ayaa ku dhammaaday guul .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations.

DSC07782 DSC07779 DSC07777 DSC07776 DSC07772 DSC07769 DSC07766 DSC07765 DSC07760 DSC07757 DSC07753 DSC07751