Wasaaradda caafimaadka Maamulka Puntland ayaa muddo hal sano oo dheeraad ku kordhisay mashaariicda caafimaad ee ka socota gobolka Karkaar gaar ahaan barnaamijka daryeelka hooyada iyo dhallaanka.
Wasiirka caafimaadka Puntland Dr Saadiq Eenow oo maalintii shalay furay shir lagu soo bandhigayo qorshaha caafimaadka sanadka 2015 ee gobolka Karkaar ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin horumarada caafimaad ee ka socda qardho.
Wasiirka caafimaadku wuxuu sheegay in loo aqoonsaday Karkaar inay kaalin muhiim ah kaga jirto caafimaadka Soomaaliya, arintaas oo ay ku mutuysatay inay bulshadeeda si wanaagsan uga faa’idaysteen barnaamijyada caafimaadka ee ka socda Puntland.
Kulankan ay Maanta wada qaateen shaqaalaha caafimaadka gobolka karkaar, Hay’adaha ka shaqeeya caafimaadka iyo wasaarada caafimaadka Maamulka Puntland ayaa waxaa aad looga hadlay wixii u qabsoomay shaqaalaha gobolka iyo waxa u qorshaysan sanada hada aan ku jirno.
Hoos Ka Dhageyso: