(Dhageyso) Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda oo raadinaya Dad la Afduubtay.

0

Ciidamada Midowga Afrika Ee AMISOM iyo kuwa Milatariga Soomaaliya ayaa Tuulooyin hoos yimaada Degmada Ceelbuur ee Gobolka galgaduud ka baadi goobaya Dad Shacab ah oo Al-shabaab ay Degmada Ceelbuur ka Afduubteen.

Sargaal ka tirsan Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in ay Bilaabeen Baaritaano lagu raadinayo  Dad Shacab ah oo Shabaabku ay Degmada ka Afduubeen.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Al-shabaab ay Ceelbuur ka qafaasheen ilaa Dhowr Ruux oo Shacab ah,kuwaas aan la ogeyn Ujedka loo Afduubay.

Halkaan Hoose ka dhageyso Warbixin Kooban: