Wararka naga soo gaaraya magaalada Caabudwaaq ayaa waxa ay sheegayaan in maanta magaaladaas ay ka dhacday xaflad Balaaran oo dhaqaale loogu aruurinayay Jaamacada Galguduud ee magaalaada Caabudwaaq.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Xafladan oo ay kasoo qeybgaleen qeybaha kala gadisan ee Bulsho weynta ku dhaqan magaalada Caabudwaaq laga jeediyay khudbado wax ku ool ah.
Dhinaca kale waxaa Bulsho weynta magaalada Caabudwaaq ay ku dhawaaqeen inay ugu deeqeen Jaamacada Galguduud ee magaaladaasi lacag gaaraysa $ 100,000 (Boqol Kun) Oo doolar.
Xafldan ayaa waxa ay u dhacday sidii loogu talagalay, waxaana loo mahadnaqay dhamaan dadkii ka soo qeybgalay.
W/D. Wariye Sharmaake Cabdi Khaliif
Xafiiska Warqabadka AGGM Caabduwaaq, Soomaaliya