(Warbixin) Dowladda Itoobiya oo xukun adag ku riday rag lagu sheegay inay aas-aaseen Urur Argagixiso

0

Sida ay baahisay Idaacadda FANA la yiraahdo oo ku taala magaalada Addis-Ababa maxkamad Addis ku taalaayaa xukun sanado xabsi ah ku riday Sadex ruux oo midkood Soomaali yahay kuwaasoo lagu eedeeyay inay doonayeen inay gudaha dalka Ethiopia ka aas aasaan urur hubeysan oo la mid ah ururka Daacish oo hadda ka dagaalama wadamada Ciraaq iyo Syria.

Warkaan waxaa lagu sheegay in Sadexda ruux oo labo ka mid ah ay haystaa dhalashada  dalka Ingiriiska inay diyaarinayeen qorshe ay degaano Ethiopia ku yaala uga aas aasayeen urur la mid ah ururka isku magacaabay Khilaafada Islamka ee dhulka Shaam isla markaana ay sidoo kale dhamaystireen qorshe kale oo ay ku diyaarinayeen dhalinyaro ay doonayeen inay u tababaraan inay la dagaalamaan ciidamada Ethiopia.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay Sadexdaan ruux inay maleegeeyeen weeraro qaraxyo u badan oo ay dalka Ethiopia oo dhan ka geystaan.

Magacyada Sadexdaan ruux oo lagu kala sheegay Cali Tedros Max’ed, Max’ed Shariif Axmed iyo Max’ed Axmed ayaa labada haysata dhalashada Ingiriiska waxay dhawaan ka yimaadeen magaalada London ee xarunta wadanka Britain.

Ruuxa Soomaaliga ah ayaa sidoo kale maxkamada laga dhex sheegay inuu ku noolaa oo uu ka tagay magaalada Hargaysa oo xarun u ah maamulka Somaliland waxaana dhamaantood lagu xukumay xabsi u dhaxeeya 4 illaa 7 sanno oo xarig ah.

Wararka qaar ayaa sheegay in marka laga tago ruuxa ay dawlada Ethiopia ay ku sheegtay inuu Soomaali yahay labada kale ee baasaboorada Ingiriiska haysta inay asal ahaan Soomaali yihiin.