Ammaanka magaalada Muqdisho oo loo adkeeyay shirka Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD Owgiis.

0

Wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho ayaa geli doonaan maalmo loo xiri doono imaanshaha wafuud caalami ah, si loo sugo ammaanka, iyadoo ciidamada kala duwan ee booliska iyo Nabadsugida ay sii bilaabeen howlahooda sugida amniga Caasimada.

Ciidamada ammaanka ayaa shalay gelinkii dambe xiray qeybo ka mid ah wadooyinka qaar, sida wadada hor marta Madaxtooyada, wadada Dekeda hor marta ee Air Porka gasha iyo isgoysyo muhiim ah.

Gawaarida dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayaa gebi ahaanba loo diiday isticmaalka wadada hor marta Madaxtooyada, waxaana gawaarida ay isticmaalayeen wadada ceel Gaabta iyo Buundooyinka waabari.

Wararka ayaa sheegaya in xiritaanka wadooyinkan ay horu dhac u tahay sugida ammaanka shirka Wasiirada Arrimaha Dibada ee Urur Goboleedka IGAD oo todobaadka soo socda ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa sheegay in maalmaha soo socda ammaanka Caasimada sare loo qaadi doono, iyadoo ciidamadana ay feejignaan dheeri ah geli doonaan.

Gudiyo isugu jira mid amni iyo gudiga qaban qaabada shirka ayaa la sameeyay, kuwaasoo sii diyaariyay goobta shirka uu ka dhici doono, waxaana aban qaabada ay tahay mid aad u heer sareysa oo ka duwan kuwii hore.

Shirka Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD ayaa markii u horeysay ka dhici doona magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, kadib 25 sano, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda ay yimaadaan Muqdisho, Wasiirada Arrimaha Dibada dalalka Kenya, Jabuuti, Itoobiya, Uganda, Sudan, iyo Koofurta Sudan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu shirka furi doono, maadaama ay tahay markii u horeysay oo Soomaaliya lagu qaban doono shirkan.