Soomaaliland Oo Soo Dhaweysay War-murtiyeedkii Ka Soo Baxay Shirki Caalamiga Ahaa Ee London.

0

somalilandHargeysa (AGGM): Maamulka Soomaaliland ayaa sheegay in ay siweyn u soo dhaweynayaa war-murtiyeedkii shalay laga soo saaray shirkii caalamiga ahaa ee  ku soo dhamaaday magaalada London ee dalka Britain, kaasoo ay wada jir u guddoominayaa madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo David Cameron ra’iisal wasaaraha dalka Britain.

Wasiirrka arrimaha dibada Soomaaliland Dr Max’ed C/llaahi Cumar ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan war-murtiyeedkii ka soo baxay shirka, gaar ahaan waxaa uu sheegay in uu siweyn u soo jiitay qodobka afaraad ee war-murtiyeedka ee lagu taageeray wada hadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Mr Cumar ayaa sheegay inay taageersan yihiin shirka, isla markaana waxyaabihii looga hadlayay uu ahaa kuwo dowladda Soomaaliya dan u ah.

”Annaga waxba kama qabno shirarka noocan oo kale ah ee xalka loogu raadinay dowladda Soomaaliya, aad ayaan u soo dhaweyneynaa war-murtiyeedka shirka laga soo saaray ee lagu taageeray wada hadalladii dhawaan ka dhacay magaalada Ankara,” ayuu yiri Max’ed C/llaahi Cumar.

“Waxaanu u rajeeyneynaa in lagu guuleysto arimihii laga wada hadlay, waxaana anagu markasto jecelnahay in arimaha Soomaaliya ay guul ku dhamaadaan”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed C/llaahi Cumar oo la hadlayay warbaahinta.

Waxaa uu sheegay in mowqifka Soomaaliland ay ka qaadatay shirka London uu ahaa mid sax ah, isaga oo intaa ku darray in haddii ay Soomaaliland ka qeyb-galli laheyd shirkaa ay meesha ka bixi laheyd qadiyada gooni isku taaga.

Maamulka Soomaaliland Somaliland ayaa horay u qaadacay in ay ka qeyb gasho shirka London, kaasoo ay ku tilmaamtay mid aan dan ugu jirin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com