Shabaab iyo ganacsato ku dagaalamay hiiraan

0

Falagada Al-Shabaab iyo dad ganacsato ah oo qaad u waday Degmada Buulo burde ee Gobalka Hiiraan, ayaa maanta wuxuu dagaal ku dhexmaray duleedka Degmada Buulo burde, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha ciidamada Dowladda.

Dagaalkaan, ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii gaarigaan oo usocday Degmada Buulo burde Al-Shabaab ay wadada ugaleen, waxaana dagaalamay Ganacsatadii qaadka watay oo Qoryo haystay iyo Al-Shabaabkii wadada u galay.

Abaanduulaha Ciidamada Dowladda ee Gobalka Hiiraan Cusmaan Cabdi Muumin oo la hadlay warbaahinta, ayaa wuxuu sheegay in dagaalkaasi uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Ilimeey oo ku yaala duleedk Degmada Buulo burde.

Wuxuu sheegay in dagaalkaasi lagu dilay labo qof oo kamid ah ganacsatadii qaadka waday, sidoo kalena gaarigii qaadka waday uu ku dhacay meel geed ah oo bur-bur uusoo gaaray.

Abaanduulaha ma sheegin gaarigaasi isaga oo bad-qaba inuu soo gaaray Magaalada Buulo burde, sidoo kalena ma uusan sheegin in ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugurmadeen baabuurkaasi qaadka u waday Degmada Buulo burde.

“Waxaan kuu sheegayaa Duleedka Dhanka Bari ee Buulo burde ayuu dagaalka ka dhacay baabuurka qaad ayuu waday dhankaan hoos ayuu usoo socday Buulo burde nimankii ayaa jidka ugalay deegaan Ilimeey la dhaho ayuu dagaalka ka dhacay”Ayuu yiri Abaanduulaha ciidamada Dowladda ee Gobalka Hiiraan.

Falaagada Shabaab ayaa marar badan wadada u galay gaadiid ay leeyihiin dad shacab ah iyaga oo gabi ahaanba gubay gaadiidkii iyo hantidii saarneyd. Waxaana dhacdadii ugu dambeysay ay aheyd markii shabaab gaari qaad siday ay ku gubeen deegaan u dhow degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.