Balad Xaawo (AGGM):Wararka naga soo gaaraya magaalada Balad Xaawo ayaa waxa ay sheegayaan in heshiis laga gaaray Dagaaladi u dhaxeeyay Ciidamo kala taagersan Maamulda Degmada Baled-Xaawo iyo Doolow ee ka dhacay Bishii hore Degmada Baled-xaawo.
Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi kaliil oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalkaasi lagu Guuleeysya islamarkaana Xal laga gaaray Dagaalkaasi.
Max’ed Cabdi Kaliil ayaa intaa ku daray in Dhinacyadii ku dagaalamay Gobolka Gedo lakala qaaday islamarkaana Maleeshiyadkii Dagaalamay lagu wareejiyey Wasaarada Gaashaandhiga Xukumadda Soomaaliya.
Sidoo kale Gudoomiye Kaliil ayaa intaa ku daray in daminta Xiisadaasi ay qeyb ka qaateen Waxgaradka Gobolka gedo oo Dhaxda u xirtay xalka Colaadaasi.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com