Dhageyso: Dib U Dhac Ku Yimid Kulan Maanta Lagu Waday Inay Yeeshaan Baarlamaanka Soomaaliya.

0

Muqdisho (AGGM): Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan koodii ugu horeeyey ee ay ku yeeshaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ta iyo Weerarkii Xarunta lagu qaaday ka dib.

Baarlamaanka ayaa lagu waday in ay si toos ah u gudo galaan kulamadoodii Xaadiga ahaa,waxaana Muuqatay in Xildhibanada Baarlamaanka Soomaaliya ay ku dhiiradaan in ay ku shiraan Xarunta Golaha Shacabka.

Waxaana soo Xaadiray Xildhibaano aad u tiro yar,ayadoona Xildhibaanada Qaar hadii ay is xaadiriyeen ay iska Baxeen sidii looga bartayba.

Gudoomiye Kuxigeenka Labaad Ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa waqti danbe oo Baarlamaanka lala yahay u sheegay in ay Fasaxan yihiin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com