Dhageyso: Rashiid Guuraa “Buurdhuubo Degmo Ma,ahan Ayaa Laysku Raacay”.

0

Muqdisho (AGGM): Rashiid Guuraa oo ka mid ah ragga u ololeeya maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa mar uu ka qeybgalay barnaamijka dood wadaag ee ka baxa warbaahinta K24, ayaa mar wax laga weeydiiyay qorshayaasha guracan ee horjoogayaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni waxa uu sheegay in qorshahooda ay ku jirto islana garteen iyaga iyo horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni in degmada Buurdhuubo aysan ahayn degmo balse ay tahay tuulo aan lahayn saldhig booliis iwm.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Rashiid Guuraa.

Halkaan Hoose Ka Akhriso Buurdhuubo Inay Degmo tahay isalamarkaana laba jeer loo aqoonsaday.

Sida ku cad Dekereeto kasoo baxday xafiiska Wasiirkii Arrimaha Gudaha Soomaaliya ee dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdulaahi Yuusuf Axmed Mr. Mohamed Mohamoud Guled, waqtigii ay jirtay dowladdii dhexe ee uu AUN’e Maxamed Siyaad Barre madaxweynaha ka ahaa ayaa waxaa Degmooyinkii Soomaaliya markaas ka jiray lagu daray laba degmo oo cusub oo kala ahaa:

1. Degmada Rage Ceele oo ka tirsan gobolka Shabeelada Dhexe
2. Iyo Degmada Buurdhuubo oo ka tirsan gobolka Gedo.

Tixraaca amarkii Xafiiska Madaxtooyada kasoo baxay waxuu ahaa: M.J.D.  194/186/15/8/1990,  Nambarkii warqadda Degmooyinka loogu magacaabayna waxuu ahaa W.A.G/5X5/96, Taariikhda ay warqadda soo baxdayna waxay aheyd: 20/9/1990.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ee xiligii dowladii Cabdulahi Yuusuf Axmed Mr. Mohamed Mohamoud Guled oo Tixraacaya Dekereetadii waa hore Rage Ceele iyo Buurdhuubo loogu magacaabay in ay Degmooyin buuxa yihiin ayaa waxuu ku war-geliyay Hay’adaha UN-ka ee ka howl-gala Soomaaliya in ay labadaas Degmo ku darsadaan tirada Degmooyinka guud ee Soomaaliya ka jira, uguna tala galaan Rage Ceele iyo Buurdhoobo in ay yihiin Degmooyin buuxa.

Tixraaca warqada kasoo baxday xafiiskii Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee xiligaas Mr. Mohamed Mohamoud Guled ayaa aheyd:  WAG/776/07, Taariikhda ay warqadaas xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha kasoo baxdayna waxay aheyd: 12/09/07.
buur1

Arintan ayaa waxay ku tusinaysaa in degmada Buurdhuubo loo aqoonsaday laba jeer inay tahay Degmo waa marka koowaade Dowladdi dhexe ee Soomaaliya ee uu hogaaminayay AUN’e Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre 1990  iyo Dowladdi KMG ahayd ee uu hogaaminayay AUN’e  Cabdullaahi Yuusuf Axmed 2007.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com