Daawo: Feysal Cali Waraabe Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.

0

London (AGGM): Gudoomiyaha xisbiga UCID Fasal Cali waraabe oo kamida maamulka Somaliland ayaa waraysi uu bixiyey uga hadlay arimo badan oo uu ku jiro madaxweyne Xasan shiikh .

Feysal Cali Waraabe ayaa marka hore weerar afka ah ku qaaday maamulka Axmed Siilaanyo iyo beeshiisa, wuxuu ka hadlay cadaalad darada dhextaala Isaaq oo isku qabsaday awooda maamulkaasi, Shirkada Khayraadka doonaya ayuu ka digay, wuxuuna sheegay inaan wax heshiis ah siilaanyo oo waqtigiisu dhamaad yahay la geli karin.

Feysal Cali Waraabe ayaa ku tilmaamay madaxweyne Xassan Sheekh shaqsi aan wax maamul ah gacanta ku ugu jirin, isaga oo tusaalle u soo qaatay sidda uu hadalka u dhigay qusulkii ay dhawaan dowladda Kenya u soo magacaawday Kismaayo.

Siddoo kalana waxaa uu sheegay in madaxweyne C/wali Gaas, dhawaan markii uu tagay Yaman kala hadllay madaxda dowladda dalka Yaman si madaxbanaan in ay qusuliyad Puntland ka furato Yaman, sidoo kalana dowladda Yaman qunsul ku yeellato deegaannada Soomaaliland, taasoo muujineysan ayuu yiri in madaxweyne Xassan waxba gacanta ugu jirin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com