AKHRISO:- Qarax lala eegtay Ciidamada liyuu Boolis & khasaaro ka dhashay

0

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax degaanka Washaaqo oo katirsan Gobolka Bakool, Isla markaana xigta dhanka xaduudka dowlad degaanka Soomaalida lagula eegtay Ciidamo katirsan kuwa liyuu Boolis.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa lala beegsaday Ciidamada liyuu Boolis xilli ay wadeen dhaq dhaqaaq Ciidan, waxaana qaraxa ku dhinta ilaa laba askari halka in ka badan 5 kale ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada ayaa qaraxa kadib furay rasaas farabadan taas oo aan weli la shaacin khasaaro kasoo gaaray dad Shacab ah, waxaana sidoo kale la sheegay in Ciidamada liyuu Boolis ay sii wadeen howlgallo amniga lagu xaqiijinayay.

Dhowr jeer ayaa Ciidmada liyuu Boolis qaraxyo lagula beegsaday degaano kuyaalla Gobolka Bakool, waxaana la sheegay in Maamulka dowlad degaanka uu soo kordhiyay Ciidamada ka jooga xaduudka Gobolka Bakool kadib weeraradii Al-Shabaab ku qaadeen degaano kamid ah dhulka dead degaanka Soomaalida.