AKHRISO:- Somaliland oo ciidamo xoogan geysay degaan katirsan Gobolka Sool & xiisad kajirta

0

Waxaa Maanta degmada Boocame ee Gobolka Sool gaaray wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Sool ugu Magacaban Somaliland Cabdikariin Aaden Xaaji Diiriye iyo ciidamo farabadan oo uu wato.

Wafigaan oo ay gelbinayeen gaadiid dagaal oo aad u farabadan ayaa gudaha u galay degaanka Boocame, halkaas oo qeyb kamid ah ay ku sugan yihiin wafdi uu hoggaaminayo wasiirka duulista Hawada iyo Garoomada Puntland oo ay weheliyaan xildhibaanka laga soo doorto degmada.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa degmada Boocame ee gobolka Sool ka taagnaa xiisad u dhaxeeysay Ciidamada Somaliland iyo Puntand, kadib markii Puntland ay duleedka degmada Boocame soo dhoobtay ciidamo farabadan wallow dib loogu celiyay degaanka tukaraq ee Gobolka Sool.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Sool ugu Magacaban Somaliland Cabdikariin Aaden Xaaji Diiriye iyo ciidamada uu wato ay u sii gudbi doonaan Tuulada Karin-garfood, halkaas oo ay kulamo ka bilaabi doonaan.

Degmooyin iyo degano katirsan Gobolka Sool ayaa waxaa isku haya Somaliland iyo Puntland, iyaga oo degaano qaar ku dagaalamay, waxaana midba midka kale uu Maamul u soo Magacaabay gobolka Sool.