AKHRISO:- Howlgal lagu qabtay Maandooriye & Ciyaal Weero oo laga sameeyay Muqdisho

0

Ciidamada Ammaanka gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay waxaa ay howlgallo ka sameeyeen Xaafado katirsan degmada Deeyniile ee Gobolka Banaadir kadib markii cabasho ay katimid qaar kamid ah Bulshada degmadaas.

Howlgalka oo uu horkacayay Guddoomiyaha Cusub ee degmada Deeyniile, waxaana la sheegay in lagu soo qabtay Maandooriyaal iyo Ciyaal weero kuwaas oo qeyb weyn ka ahaa amni darrada kajirta degmada.

Guddoomiyaha degmada Deeyniile ayaa Bulshada ku nool Degmada kula dardaarmay in ay kala shaqeeyaan sugida amniga iyo xasiloonida., isaga oo ka codsaday waalidiinta dhalay dhalinyarada ku howlwalan falalka amniga lidi ku ah in ay Carruurtooda kawarqabaan.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa hadalkiisa waxaa uu intaasi kudaray in uu la dagaalami doona wax walba oo Amniga Degmada wax u dhibaya sida:

1. Ciyaal weerada.
2. Maandooriyaha
3. Nabad diidka.
4. Tuugada umada dhacda.

Degmooyin badan oo kuyaalla Gobolka Banaadir ayaa dadka kunool waxaa bilihii la soo dhaafay ka cabanayeen Ciyaal weero iyo Kooxo Burcad ah oo dhac u geysanayay.