AKHRISO:- Ciidamada Somaliland oo dulaan ku ah degaano Puntland ka tirsan

0

Wararka ka imaanaya degaanka Yubbe oo ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ay maanta halkaas ka wadaan dhaqdhaqaaq xooggan oo ku jihaysan dhinaca magaalada Hadaaftimo.

Ciidamo ka tirsan Somaliland oo ku hubaysan in ka badan 18 gaadiidka dagaalka ah ayaa sida la xaqiijiyay ka ruqaansaday degaanka Yubbe islamarkaana waxay ku sii jeedaan dhinaca Hadaaftimo oo Puntland gacanta ku hayso.

Dhaqdhaqaaqa Somaliland ayaa bilowday kadib markii maanta uu Hadaaftimo booqday Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo sida la sheegay halkaas u tegay arrima la xiriira diiwaan-gelinta Ciidamada.

Dhinaca kale wax dhaqdhaaaq iyo abaabul ah lagama soo werin Ciidamada difaaca Puntland oo fadhiya jiidda Kalgubataale ee u dhexaysa Yubbe iyo Hadaaftimo.