AKHRISO:- Soomaaliya & Shinaha oo ka wada-hadlay Arrimo muhiim ah

0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowlada federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa safiirka cusub ee dowladda Shiinaha u soo magacawday Soomaaliya, Mr. Fei Shengchao.

labada mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo horumarka ee u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah.

Dowladda Shiinaha ayaa waxaa ay kamdi tahay dowladaha taageerada siiya Soomaaliya, waxaana dhawaan ay dowladda Soomaaliya ugu deeqday mid kamid ah tallaalka Cudurka COVID-19.