Madaxweyne Lafta-gareen oo Baydhabo dib ugu laabtay

0

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo, ka dib markii waan-waan maalmihii u dambeeyay ka socotay magaalada Muqdisho ee lagu xalinay khilaafka u dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha ay natiijo la’aan ku soo idlaaday.

Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen ayaa Mudisho ka dagay Khamiistii, xilligaas oo khilaafka hoggaamiyeyaasha uu aad usii xoogeystay.

Waan-waanta oo maalmihii u dambeeyay socotay ayaa waxa hormuud ka ahaa madaxda mamaul goballeedyada Koofur galbeed iyo Galmudug kuwaas oo ku dadaalayay in xal laga gaaro khilaafkaan iyo xiisadda ka dhalatay hase yeeshee waxay u muuqataa in aaney wali ka gaarin natiijo la taaban karo.