Rasaas xoog leh oo isku dhacaysa ayaa laga maqlay albaabka laga galo madaxtooyada dalka Niger oo ku taala magaalada caasimada ah ee Niyaami.
Wararku waxay sheegayaan in koox hubaysan ay saaka aroortii weerar ku qaadeen ciidamada illaalada madaxtooyada Niger ayadoo maalin qura ay ka dhimantahay in xilka loo dhaariyo madaxweynaha dhawaan ku guulaystay doorashadii dalkaas ka dhacday ee Max’ed Basuum la yiraahdo.
Warbaahinta dawlada Niger waxay sheegtay in xaaladdu hadda degantahay waxayse ka gaabsatay inay faahfaahin ka bixiso khasaaraha ka dhashay weerarkaas.
Muuqaalo baraha bulshada lasoo dhigay waxaa ka muuqda qiic ka baxaya mid ka mid ah albaabada madaxtooyada laga galo oo sida muuqata la gubay.
Ma jiro cid sheegatay mas’uuliyada weerarkii xalay lagu qaaday madaxtooyada dalka Niger hase ahaatee dalkaas waxaa ka jira kooxo hubeysan oo qaarkood taageersan yihiin m/weynihii hore ee dalkaas Max’ed Cusmaani oo looga adkaaday doorashadii dhaweyd.