Guddi Ka Tiran Golaha Shacabka Oo Farriin Culus U Diray Madaxweyne Farmaajo

0

Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka Federaalka ayaa farriin culus waxaa ay u direen madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxmed Farmaajo.

Guddiga ayaa soo saaray qoraal ay ku dalbanayaan in Madaxweyen Farmaajo uu caddeeyo halka ay ku dambeeyeen Ciidanka Tababarka loogu qaaday Dalka Eriteria, waxaana ay sheegeen in loo baahan yahay in arrintaan uu madaxweyne Farmaajo ka hadlo, caddeeyana xaaladda iyo halka ay ku dambeeyaan Askartaasi.

Waxaa sidoo kale guddigu ay qoraalkooda ku dalbadeen in uu Maadxweynuhu caddeeyo tirada Askarta la qaaday iyo goorta ay dalka kusoo labanayaan Maaddaama ilaa hadda aysan jirin xog dhab ah oo laga hayo Askartaasi.

Waxaa intaas ay ku dareen Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka Federaalka in ay jiraan warar sheegaya in Ciidanka loo isticmaalay dagaalka u dhexeeya Itoobiya iyi TPLF, waxaana ay si gaar ah Madaxweynaha uga dalbadeen in arrintaasi caddeeyo wax aka jira in Askar Soomaaliyeed oo tababar loo qaaday loo isticmaalay dagaalada itoobiya ka socda.