R/wasaare Rooble oo kulan la qaatay madaxda warbaahinta

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Madaxda Warbaahinta ee soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay arimaha doorashooyinka iyo doorka ay warbaahinta kaga qeyb qaadan karto wacyigelinta bulshada.

R/wasaare Rooble ayaa adkeeyey muhiimadda ay leeyihiin xilligan dalku ku jiro Doorashooyinka, isagoo ku boorriyey in ay xoojiyaan doorkooda wacyigelinta bulshada.

“Saxafiyiinta Soomaaliyeed waxa ay kaalin mug leh ka soo qaateen dhismaha dowladnimada,nabadeynta,wargelinta iyo wacyigelinta bulshada,howshaas oo ay dhimasho & dhibaatooyin kale u muteen. Xilligan oo dalku doorasho galayo waxaan ku dhiirrigalinayaa in ay doorkooda ka qaataan jiheynta iyo xogsiinteeda bulshada”.