DHAGEYSO:-Wasiirka Cusub ee Arimaha dibadda Somalia oo Waraysi uga hadlay Xiisada Kenya iyo Xaalada Itoobiya

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u yeedhatey safiirkeedii Kenya shaley iyadoo sidoo kalena u dirtey safiirka Kenya wadatashi.

Dowlada federaalka ayaa ku eedeysey dowlada Kenya in ay faragelin ku heyso Arrimaha Soomaaliya iyo doorashada, ayada oo u adeegsaneysa, sida ay hadalka u dhigtay, madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Dhinaca kalena, dawladda Kenya ayaa galabta soo saartay war-saxaafadeed ay ku sheegayso inaysan wax wargelin oo rasmi ah ka helin dawladda Soomaaliya, oo ku saabsan in safiirkeeda Lucas Tumbo uu ka baxo magaalada Muqdisho.

Kenya waxay ku sheegtay war-saxaafadeedka inay ka xuntahay go’aanka ay qaadatay dawladda Soomaaliya, ayna Kenya ay ixtiraamayso mabaadii’da caalamiga ah ee aaya-ka-tashiga ah, madaxbannaanida dhuleed iyo tan siyaasadeed ee waddan kasta gaar ahaan waddamada Afrika.