Faransiiska Oo Si Deg-Deg Ah Ugu Yeeray Safiirkiisa Turkiga Iyo Sababta

0

Faransiiska ayaa wadatashi ugu yeeray safiirkiisa u fadhiya Turkiga, kadib markii uu Madaxweyne Rajab Tayib Erdogan hadallo xanaf leh ku weerarray dhiggiisa Emmanuel Macron.

Erdogan oo la hadlayay xubno ka tirsan xisbigiisa AK party ayaa sheegay in Macron uu u baahan yahay baaritaan dhanka maskaxda ah, kadib markii uu hogaamiyaha Faransiiska sheegay inuu gacan bir ah ku qabanayo Islaamiyiinta xagjirka ah ee waddankiisa.

Madaxweyne Macron oo ka falcelinayay dilka nin macallin taariikhda ahaa oo qoorta laga jaray kadib markii uu soo bandhigay sawir uu ku tilmaamay Nebi Maxamed NNKH, ayaa wacad ku maray in dalkiisa uusan joojin doonin sawirrada noocaasi ah.

Labada hogaamiye ee dalalkoodu ay ka wada tirsan yihiin gaashaanbuurta NATO ayaa mudooyinkii dambe isku hayay arimo ay kamid yihiin colaadaha Suuriya, Liibiya iyo Nagorno- Karabakh. Balse hadalka Erdogan ayaa ahaa mid si toos ah uu ugu weerarray shakhsiyadda Macron.