Muqdisho oo lagu Qabtay Gabadh la Afduubtay iyo Raggii Qaadhiga ku Qaatay

0

Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa shalay magaalada Muqdisho ku qabtay gaari iyo kooxdii saarneyd oo qof dumar ah ka afduubtay degmada Xamar Jajab ee gobalka Banaadir.

Waxaa la sheegay in ciidamada Booliska ee degmada Dharkeynley ay qabteen gaariga oo nuuca raaxada ah, islamarkaana ay saarnaayeen 3 nin. Gaariga ayaa shalay aroortii hore gabar ka afduubtay degmada Xamar Jajab ee gobalka Banaadir.

“Gaadhigan waxa uu xoog ku jiiray Kontarool ciidan kadib booliska ayaa gaari kale ku ceyrsaday waxaana markii dambe lagu qabtay Dharkeynley, waxaana gudaha gaariga ku jirtay gabar lugaha, gacmaha iyo afkaba ka xiran, hadda waxaan gaariga iyo dadkii saarnaa ku wareejinay CID halka gabadhiina ku wareejinay qoyskeeda,” ayuu yidhi sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka Muqdisho.

Gabadha la afduubtay oo xubna ka mid ah qoyskeeda aan la hadalnay ayaa sheegay in ay shalay aroortii hore iyadoo adeeg doonatay laga qabtay agagaarka Suuqa Beerta, gaar ahaan meel u dhaw xarunta ciidamada cirka ee Afisyooni, waxaana lagu ritay gaarigii ay kooxda wadatay.

“Gabadha maro cad oo qoyan ayaa afka loo saaray waana dagaashay ilaa maradii ay dhacdo kadib iyadoo xoogaa miir la’ ayey wateen balse Allah ayaa booliska daba dhigay,” ayey tidhi qof katirsan haweenka degmada Xamar Jajab.

Muqdisho waxaa maalmihii la soo dhaafay aad looga cabanayaa afduubka dumarka iyo carruurta lamana oga sida xal loogu heli karo. Waalidiin badan ayaa wajahaya xaalad cabsi ah oo ku saabsan afduubka kusoo kordhaya magaalada Muqdisho.