Taliyaha Ciidanka xoogga oo gaaray Beled-xaawo

0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Odawaa Yuusuf Raage iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay waxaa uu gaaray degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Shalay ayaa waxaa uu taliyaha tagay  magaalada Dooloow ee Gobolka Gedo, halkaasi ay ku soo dhaweeyeen Saraakiisha Ciidanka Qalabka Sida ee gobolkaasi ku sugan iyo Maamulka Gobolka Gedo, kuwaasi oo ay kamid yihiin Taliyaha Howlgalinta Guutada Gorgor Cumar Deeq, Guddoomiyaha Gobolka Gedo Cismaan Nuux Xaaji Macalimuu, Madaxa Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Diini, Taliyaha Ciidamadda Xasilinta Gobolka Gedo Bakaal Kooke Taliyaha Qeybta Booliska  Cabdiqaadir Biixi, Maamulka Degmada Doolow Soomaaliya iyo qaar ka mid ah sarakiisha Ciidankaa NISA ee Degmooyinka Doolow. Luuq iyo Masuuliyiin Kale.

Ujeedka safarka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ku tegay ayaa ahaa sidii uu u kormeeri lahaa xarumaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolkaasi.

Taliyaha Ciidanka ayaa inta uu ku suganyahay Gobolka Gedo wuxuu gaari doonaa magaalooyinka Garbahaareey iyo Luuq ee Gobolka Gedo ka tirsan.