Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay gobolka Bay

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen gobolka Bay waxaa ay ku dileen sarkaal  sare oo ka tirsanaa  Alshabaab,kaasi oo u qaabilsanaa dhibaataynta shacabka ku dhaqan magaalooyinka Baydhabo iyo Bardaale ee gobolkaasi.

Howlgalka ayaa  ka dhacay meel qiyaastii 45 KM dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Baydhabo, waxaana  lagu dilay  Ibraahim Macalin Cabdi,kaasi oo dhanka   Al-shabaab looga yaqaano (Ibraahim Geney).

Ciidanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay 2 qori nuuca AK47 ah iyo Baaskoolada leh 8 qasnadood.