Diyaarad ay leeyihiin Ciidamada Kenya ayaa ku burburtay Garoonka diyaaraddaha ee magaalada Dhoobley ee gobolkaasi.
Diyaarada ayaa la sheegay in ay Sahay u siday Ciidanka ku sugan magaalada Dhoobley, islamarkaana ay ku burburtay Garoonka markii ay soo cagadhigatay.
Inta la ogyahay hal qof oo ahaa duuliyihii diyaaradda ayaa ku geeriyooday, waxaana sidoo kale jira dad ku dhaawacmay.
Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Ciidamada Kenya.