Iyadoo Mudooynkii dambe uu magaalada Garoowe ka taagnaa Khilaafka u dhexeeya Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxwayne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa waxaa Bilowday Kulamo looga Arinsanayo Xiisada labada dhinac iyo sidii loo Xalin lahaa.
Kulan ay Warbaahinta u Qabteen Dalada Ururada aan Dawliga ahayn, ayaa waxay ku sheegeen inay la kulmeen Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka, Islamarkaana Xal laga gaadhi doono Khilaafka Siyaasadeed ee Labada dhinac.