Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Agaasime cusub u magacaabay Hab-maamuuska Madaxtooyada Soomaaliya.
Agaasimaha cusub ee hab-maamuuska Madaxtooyada ayaa wareegto ka soo baxday xaafiiska Madaxweyne Farmaajo loogu magacaabay Yuusuf Xasan Salaan.
Agaasime Yussuf Xasan ayaa horay u ahaa Agaasime ku xigeenka Hab-maamuuska Madaxtooyada Soomaaliya, taas oo sida lagu sheegay war kasoo baxay madaxtooyada dhaxalsiisay in uu kasbado khibrad shaqo oo xoog leh.