Dab khasaaro hantiyadeed sababay ayaa qabsaday suuqa degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, sidda ay sheegeen goobjoogeyaal.
Wallow aan la ogeyn waxa sababay, dabka wuxuu si gaar ah u saameeyay bakhaaro lagu keydiyo raashiinka noocyadiisa kala duwan.
Mas’uuliyiin iyo sarakaiil uu horkacayo Cusmaan Nuur Xaaji Macalimuu, gudoomiye ku xigeenka gobolka Gedo, ayaa tegay suuqa.