Israel oo shaacisay in ay gacanta ku dhigtay ruux u basaasayey dowladda Iran

0

Maamulka Israel ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen nin u dhashay Israel oo basaas u ahaa dowladda ay cadaawado kala dhaxeyso ee Iran.

Shin Bet, oo ah madaxa amniga gudaha ayaa sheegay in markii gacanta lagu dhigayay ninkaas uu wadahal kula jiray sirdoonka dalka Iran.

Ninkan oo la sheegay in magaciisa aan la shaacin karin sababo la xariira sharciga Israel, ayaa lagu eedeenayaa in uu qorsheynayey weerarro argagaxiso ee ka dhaca gudaha Israel.

Xiiriirka Israel iyo Iran ayaa ah mid cadaawad ku dhisan, waxaana sanadihii u dambeeyey cirka isku sii shareereysay hanjabaadda ay isku jeedinayaan, waxayna Iran wacad ku martay in ay dunida ka cirib tiri doono Yahuuda.