AKHRISO:- Khasaaro ka dhashay dagaalka Galgaduud & Ciidamo loo dirayo

0

Waxaa faah faahin dheerad ah ay kasoo baxayaan dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo Maanta barqadii ka qarxay deegaanka Mirxeyley oo ku yaalla inta u dhaxeysa Magaalooyinka Cadaado & Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Allgalgaduud u sheegeen in dagaalka uu ka dambeeyey kadibh markii maleeshiyadka dagaalamay ay isku qabsadeen Brkad laga qodayey deegaanka Mirxeyley,waxaana dagaalka ku geeriyoodey Shan Ruux oo labada dhinac ah.

Dadka ay Waxyeellada kasoo gaartay dagaalkan ayaa loo kala qaaday Magaalooyinka Cadaado iyo Cabud-waaq Ee Gobolka Gal-Gaduud oo ay kasoo kala jeedaan laabda Maleeshiyo Beeleed ee wada dagaalamey.

Ciidamada Ammaanka Dowlad goboleedka Galmudug ayaa lagu soo waramayaa inay wadaan dadaalo ku aadan sidii ay u kala dhex-geli lahaayeen Beelaha Dirirtu Ka Dhaxeyso Isla-Markaana xal loo gaari lahaa.