SAWIRRO:-Shirka Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha dastuurka heer federal iyo Heer dowlad goboleed oo lagu soo gabagabeeyay baydhabo

0

Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Baydhabo kulan u dhexeeyay agasimayaasha guud ee wasaaradaha dastuurka heer federal iyo heer dowlad goboleed kaa oo muddo saddex maalin ah ka socday magaalada baydhabo ee dowlad goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya.

Muddadii uu socday kulan waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka wada shaqayn ee u dhexeeeya wasaaradaha Dastuurka ee labada heer, aqoon iswaydaarsi ku saabsan maamulka iyo maaraynta, qorshaynta, wacyigalinta iyo latashiyada arrimaha dib-u-eegistadastuurka iyo sidii la iskaga
kaashan lahaa dhamaystirka dib-u-eegista dastuurka June 2020 iyo tallaabooyinka muhiimka ee la qaadayo si loo gaaro yoolkaas.

Sidoo kale, waxaa ay ka qayb galayaasha ku soo bandhigeen talooyin dhowr ah oo ku aadan geedi socodka dib-u-eegista dastuurka gaar ahaan sidii loo wajihi lahaa arrimaha u baahan wada xaajoodka siyaasadeed si loo helo dastuur dhamaystiran.

Agaasimaha guud ee wasaaradda dastuurka koonfur galbeed Jeylaani Abdullaahi Xaaji oo ku hadlay magaca agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dastuurka dowlad goboleedyada ayaa soo dhoweeyay kulamada nuucaan oo kale ah isagoo xusay in cilmi iyo warbixin dhammaystiran ay imminka ka haayaan heerarka uu marayo geedi socodka dastuurka, waxa uuna carrabka ku adkeeyay in la sii xoojiyo xiriirka iyo kulamada farsamo ee wasaardaha dastuurka labada heer.

Ugu dambayn, agaasimaha guud ee wasaaradda dastuurka XFS mudane Mohamed Abuukar Zubayr oo kulanka so xiray ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la iswaydaarsado xogaha quseeya maamulka, qordhaynta, wacyigalinta iyo sidoo kale arrimaha siyaasadda si dhammaan agaasimayaasha ay ula
socdaan heerarka uu marayo geedi socodka dib-u-eegista dastuurka.

“Door wayn ayaa noo furan ka farsamo ahaan in aan ku yeellanno geedi socodka dib-u-eegista dastuurka, si aan u xaqiijinno in la soo gabagabeeyo dastuurka june 2020” ayuu yiri agaasimaha Guud ee Wasaaradda dastuurka XFS Mohamed Abuukar Zubeyr.

Gabagabdii waxaa lagu ballamay in la sii dardargeliyo howlaha dib-u-eegista dastuurka islamarkaana Wasaaradaha dastuurka ee heer dowlad goboleed ay ka shaqeeyaan sidii ay aragti uga keeni lahaayeen qaabka loo wajahayo arrimaha u baahan wada xaajoodka siyaasadeed si looga gaaro heshiis kama
dambays ah.