DHAGEYSO:-Puntland “Ciidamada Galmudug Baa soo weeraray Degmada Towfiiq”

0

Gollaha xukuumadda Puntland ayaa markii u horraysay ka hadlay dagaalka ka dhacay degmada Towfiiq ee gobolka Mudug, halkaasi oo ay ku dagaalamayaan Maleeshiyo beeleedyo.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland C/raxmaan dhabancad oo ka hadlayay shir lagu qabtay magaaladda Bosaso ayaa sheegay in Ciidamada maamulka Galmudug ay soo weerareen degmada Towfiiq oo ka tirsan Puntland.

Wasiirku wuxuu ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda degaankaasi, islamarkaana la ilaaliyo nabadii iyo xasiloonidii mudada dheer laga soo shaqaynayay ee u dhaxaysay Puntland iyo Galmudug.