Kooxda Al-Shabaab Oo La Wareegay Deegaan Ku Yaalla Jubbada Hoose

0

Wararka ka heleyno Degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Dagaal u dhexeeyay Ciidanka maamulka Jubbaland iyo Al-shabaab uu ka dhacay  deegaan duleedka ah degmadaas.

Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa mid kooban oo dhexmaray Ciidanka Jubbaland iyo Al-shabaab, waxaana uu sigaar ah ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Bed-alamo oo kaabiga ku haya xuduudka ay wadaagaan Somalia iyo Kenya.

Dagaalka kadib ayaa Al-shabaab waxaa ay la wareegeen deegaanka Bed-alamo oo markii hore ay ku sugnaayeen Ciianka Jubbaland, hayeeshee markii dambe ay isaga baxeen Saldhigyadii ay halkaas ku lahaayeen.

War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Al-shabaab  ayaa waxaa ay ku sheegeen inay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Bed-alamo oo hoostaga Dhoobleey.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay in Saldhigii Ciidanka Jubbaland ee deegaanka ay ka qaateen saanado hub ah waa sida ay hadalka u dhigeen.