SAWIRO:- Dad ku dhintay roob dufaan wata oo ka da’ay Magaaladda Jigjiga

0

Magaaladda Jigjiga ee Caasimadda DDS Waxaa maanta ka da’ay caasimada deegaanka ee jigjiga roob dufaan iyo baraf wata islamarkaana kala xidhay dhamaan isku socodkii gaadiidka iyo dadka magaalada jigjiga, wadooyikii magaalada ayaa isu badalay wabiyo biyo butaacayaan.

Roobka ayaa inta la og yahay sababay dhimasho hal qof ah iyo laba qof oo dhaawac ah, inkasta oo la filayo in uu dhaawacu intaasi ka badan yahay. Waxaa kale oo jira dadka soo barakacay guryahoodii ka dib markii xaafada daadku soo galay, gaar ahaan xaafadaha ka agdhaw goobta uu maro toga jigjiga.

Dhanka xukuumada DDS, masuuliyiin uu ugu horeeyo Madaxwayne ku xigeenka deegaanka mudane Aadan Faarax, maamulka magaalada jigjiga iyo hay’adaha amaanka ayaa gurmad u bilaabay dadka ay dhibaatadu kasoo gaadhay roobkan sida lama filaanka ah galinkii danbe ee maanta uga day magaalada jigjiga