SAWIRO:- Sheekh shaakir oo la kulmay Xildhibaano labada Gole ka tirsan

0

Madaxa Xukumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa Magalada Dhuusamareeb waxaa uu kula kulmay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Musharax Madaxweynaha Galmudug Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa iyo Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa Caawa Xafiiskiisa ku booqdeen Sheekh Shaakir,iyaga oo kala hadlay Arrimo ku saabsan xaalada Galmudug.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan Madaxa Xukumadda Maamulka Galmudug ayaa Xildhibaanada ku booriyay in ay ka qeyb qaataan hormarka Galmudug iyo dhismaha Galmudug Cusub.