Maxkamada Sare ee Puntland oo saaka u faariisanaysa kiiska Marxuumada Caaisha

0

Maxkamada sare ee Puntland ayaa saaka markale dhagaysanaysan kiiska marxuumada caaisha taas oo kufsi iyo dil loogu gaystya degmada Gaalkacayo bishii Maarso ee sanadkaan, kiiskaan ayaa laba jeer oo hore waxaa racfaan laga soo qaatay maxkamada Degmada Garoowe iyo tan Gobolka Nugaal kuwaas oo 3da eedaysane dil ugu soo xakumay.

Garmaqalka koowaad oo 17ka bishaan dhacay ayaa yeeshay weji ka duwan sidii hore ee kiisku ku socday, mid ka mid ah eedaysanayaasha ayaa qirtay in uu kiiskaan lug ku lahaa, halka mid kale oo ka mid ah uu ku eedeeyay in uu dilka gabadha, afduubasho iyo kufsi gaystay.

Maxkamada ayaa saaka laga dhawrayaa goaanka ay ka qaadato kiiskaan oo mudo dheer soo jiitamayey.