SAWIRRO:-Shir Looga Hadlay Amniga Jubbaland Oo Lagu Qabtay Kismaayo

0

Magaalada Kismaayo ee Caasimada dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta waxaa shir looga hadlay amniga deegaanada Jubbaland ku yeeshay laamaha kala duwan amniga ee Jubbaland.

Shirka ayaa waxaa Shir Guddoominayay Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur,isla markaana waxaa ka qeyb galay Taliska ciidamada kala duwan ee Jubbaland sida Nabad-sugidda, Booliska,Daraawiishta iyo Saraakiisha sar sare ee ciidanka Jubbaland.

Shirka ayaa looga hadlay xaqiijinta amniga Jubbaland, ka hortagga Weerarada ka dhan Al-shabaab,samaynta howlgallo joogto ah oo nabadgelyada lagu xaqiijiyo iyo qodobo kale oo muhiim u ah amniga deegaanada Jubbaland.

Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo ah Afhayeenka Wasaaradda amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland shirka kadib la hadlay Warbaahina ayaa ka hadlay qodobadkii kulanka looga hadlay iyo xaaladii ugu dambeeyay ee Magaalada Kismaayo.

Ugu dambeyntii Afhayeenka Wasaaradda amniga Jubbaland ayaa Shacabka ku dhaqan Kismaayo ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidanka amniga si looga hortego falalka amni darrada ah.