Ra’iisul wasaare Kheyre oo maanta Dhuusamareeb dib ugu soo laabanaya

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukumada Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta dib ugu soo laabanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug ee Bartamaha Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha oo maalmihii ugu dambeeyay safar shaqo ku joogay Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa lagu wadaa in maanta uu soo gaaro Magaaladda Dhuusamareeb si uu halkaasi ugu sii wada arimaha Dhismaha Maamulka Galmudug.

Ciidama gaar ah ee ilaalada Ra’iisul wasaaraha iyo qaar kamada howl wadeenadiisa ayaa saakay gaaray Dhuusamareeb waxaana sida qorsho yahey Ra’iisul wasaaruhu safar dhan circa ah ku imaan doonaa Dhuusamareeb.

Howl wadeeno ka tirsan Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha ay ka codsadeen Wargaradka iyo siyaasiyiinta Koofurta Gaalkacyo in uu siiyo 3 maalin oo dhexdoodo ka shirayaan go’aankooda ku daan dhismaha Galmudug loo dhanyahey,sidaas darteedna uu Maanta dib ugu soo laabanayo Dhuusamareeb.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa in ka badan labo todobaad ku sugan deegaanada Galmudug ayaa ku guulaystay in uu qarameeyo Ciidankii Ahlusunna Waljameeca ee Bartamaha Soomaaliya iyo Maleeshiyaad deegaanka ah.

Waxaana uu hada wadaa sidii wax garadka deegaanada Maamulka Galmudug uu iskugu keeni lahaa shirweyne uu lagu heshiisiiyo Beelaha dega Galmudug,waxa uuna socdaal ku maray inta badan deegaanada uu gacanta ku haayay Maamulka Galmudug.