DHAGEYSO:-Madaxweyne Farmaajo Oo Guddi U Magacaabay Dagaalkii Lagu Dilay Taliye Macow Xalane

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddi baaritaano ku soo sameeya u saaray dagaalkii shalay ka dhacay duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,kaasi oo lagu dilay Taliyihii Qeybta Booliska G/Hiiraan.

Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac oo Shir Jaraa’id warbaahinta Magaalada Muqdisho ugu qabtay ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo dhacdadaas Maanta uu Guddi u magacaabay,isla markaana xusay Taliyaha in isaga uu Guddoomiye ka yahay Guddiga.

Sidoo kale Taliye Bashiir Jaamac ayaa waxaa uu sheegay in Guddiga ay qeyb ka tahay Xeer Ilaalinta guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda,kuwaasi oo baaritaano dhab ah ku soo sameeyn doona wixii ka dhacay deegaanka kalabeyr ee lagu dilay Taliyihii Qeybta Booliska G/Hiiraan Maxamed Macow Xalane laguna dhaawacay Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Booliska Hirshabeelle.