Taliye Odawaa oo Sheegay in Xubno Al-Shabaab ah ay ku dileen Bariire

0

Dagaalamayaal ka tirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar waxaa ay ku qaadeen Deegaanka Bariire ee Gobolka Sh/Hoose, iyaga oo labo jiho ka soo weeraray.

Ciidanka Xoogga Dalka ee Bariire ku sugan ayaa la sheegay in ay iska difaaceen weerarkii ay ku soo qaadeen xubnaha ka tirsan Al-Shabaab.

General Odawaa Yuusuf Raage Taliyaha Ciidanka lugta oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in 14 kamid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku dileen deegaanka Bariire, isagoona xusay meydadka Al-Shabaab ay yaalaan Deegaankaasi.

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in ay weerar ku qaadi doonaan Tuulooyinka ka agdhow deegaanka Bariire oo ay joogaan xubnaha ka tirsan Al-Shabaab.

Deegaanka Bariire ayaa dhawaan waxaa Al Shabaab kala wareegay Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Danab kuwaas oo halkaas ka sameeyey howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.