Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo daah-furay Shirka Culimada Soomaaliyeed ayaa adkeeyey in culimadu ay hormuud ka noqdaan sidii loo wacyigelin lahaa dhallinyaradeenna ay marin habaabiyeen argagixisadu, kaalin muuqatana ay uga qaadan lahaayeen toosinta iyo talo-siinta dowladda.
Madaxweynaha ayaa xasuusiyey Culimada Soomaaliyeed ee dal iyo dibadba isaga kala yimid, caqabadaha iyo dhibaatooyinka dib u dhigay xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin xagjirnimada, qabyaaladda iyo musuqa.