DHAGEYSO:-Howlgal Xalay Laga Sameeyay Magaalada Baladweyne

0

Ciidanka Hay’adda nabadsugida iyo Sirdoon Qaranka Soomaaliyeed ee NISA gaar ahan kuwa ku sugan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa xalay waxa ay howlgal ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Magaaladaasi.

Ciidamada ayaa howlgalka ka sameeyay inta badan Xaafadaha ay ka kooban tahay Baladweyne,isla markaana ku baarayay dadka iyo gaadiidka isticmaala Wadooyinka ku yaalla halkaasi.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka inta uu socday uu hakad galay isku socda dadka iyo ganacsiga meela qaar,hayeehsee markii dambe uu dib u soo laabtay.