SAWIRRO:-Guddoomiyaha G/Sh/Hoose oo sheegay in uu socdo qorshe Shabaab looga xoreynayo Gobolka

0

Guddoomiyaha cusub ee dhawaan loo magacaabay gobolka Sh/Hoose Ibraahin Aadan Cali “Najax” oo wareysi siiyay Warbaahinta Qaranka isagoo ku sugan deegaannadii dhawaan laga xoreeyay maleeshiyaadka Shabaab, ayaa faahfaahin ka bixiyay kormeerro uu ku tagay degmooyin iyo deegaanno ka tirsan gobolkaasi, oo ay ka mid ahaayeen degmooyinka Baraawe, Wanlaweyn, Afgooye iyo deegaannada Sabiib iyo Caanoole.

Mudane Najax ayaa deegaannadaasi kula soo kulmay saraakiisha ciidamada, mas’uuliyiinta maamullada iyo waxgaradka bulshada, isagoo si hoose ugu kuurgalay xaaladda nolosha dadka iyo baahiyaha ay qabaan.

Sidoo kale Guddoomiye Najax ayaa sheegay in uu wado qorshe dhameystiran oo gobolkaasi looga xoreynayo maleeshiyaadka Shabaab si loo horumariyo noloshada bulshada loona xaqiijiyo ammaanka muwaadiniinta ku dhaqan gobolkaasi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu xusay in nidaamka dowliga ah ay gaarsiin doonaan dhamaan deegaannada gobolka, isagoo bulshada ka dalbaday in ay la shaqeeyaan ciidamada si loo horumariyo nabadda gobolka.

Gudoomiye Najax ayaa ka codsaday dowladda Federaalka Soomaaliya in ay gacan ka siiso sidii shabaab looga sifeyn lahaa gobolkaasi, isagoo tibaaxay in uu ka shaqeyndoono soo celinta maqaamkia iyo sharafti uu gobolkaasi ku lahaa dalka.