Wafdi ka socda Eritrea oo Hargaysa gaaray

0

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Eritrea ayaa goordhow gaaray magaalada Hargaysa ee Xarunta Soomaaliland waxaana soo dhoweeyay Xubno katirsan Xukuumadda Soomaaliland.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici, iyo mas’uuliyiin kale ayaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargaysa ku soo dhaweeyay wafdigaan waxaana la filayaa in ay kulamo la qaataan Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

Waa markii ugu horreysay ee wafdi ka socda Eritrea ay soo gaaraan Soomaaliland muddo dheer kadib. Arintaan ayaa ka dambeysay is fahamka Soomaaliya iyo Dowladda Eritrea.