Dowladda Soomaaliya Oo Si Kulul Uga Hadashay Soomaali Lagu Dilay K/Afrika

0

Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay ganacsato Soomaaliyeed oo dil iyo dhaawac loogu geystay Koonfur Afrika.

Dilka ganacsatada ayaa waxaa geystay burcad Koonfur Afrikaan oo ku weeraray mehrado ay ku lahaayeen duleedka magaalada caasimada ah ee Pretoria.

Wasiirka Ganacsiga XFS, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye], ayaa ugu horeyn tacsi udiray ehelada iyo asxaabta ay ka baxeen ganacsatadaasi.

Maareeye ayaa shaaciyay in dowladdu ay dhowaan muujin doonto dareenkeeda, isla markaana jawaab ka bixin doonto dhacdadaasi.

Waxa uu si adag u cambaareeyay dhibaatada dadka Soomaaliyeed ay u geystaan burcada Koonfur Afrikaanka oo mudooyinkii dambe korodhay.