AKHRISO:- Shacabka Kenya oo loo fasaxay in gudaha u galaan Dhismaha DusitD2

0

Ciidamada Ammaanka dalka Kenya ayaa u fasaxay dadkii lahaa gaadiidka iyo dadkii kale oo alaabtooda ay ku xayirantay weerarkii toddobaadkii hore lagu qaaday Hotel dusitD2 inay gudaha u galaan hotelka.

Sidoo kale shaqaalihii ka howlgalayay xafiiskyada ku yiil dhismaha DusitD2 ayaa toddobaad kadib booqday xafiisyadooda kadib markii ay ka carareen Talaadadii la soo dhaafay.

Guud ahaan ammaanka dhismaha ayaa la adkeeyay iyadoo loo ogolaanayay oo kaliya gudaha qofka la xaqiijiyo inuu halkaa ka shaqeynayay amaba degenaa.

Francis Musyoka oo ka shaqeysta mootada dhugdhugleyda ayaa dib u helay mootadiisii toddobaad kadib isagoo sheegay inuu halkaa ugaga cararay kadib markii uu dhacay qaraxii ugu horeeyay ee weerarka Al-Shabaab ku qaadeen dhismahaas.

“Waan ku faraxsanahay in aan dib u helay gaarigeyga,toddobaadkan oo dhan waan ka walwalsanaa balse waxaan helay gaarigeyga oo miraayada dambe ka jaban.”ayuu yiri Cynthia Oketch

Dadkii weerarka geystey ayaa ku tuuray bambooyin gaadiid yiil afaafka hore ee Hotelka waxaana halkaa ku gubtay saddex gaari.

Weerarkii lagu qaaday toddobaadkii la soo dhaafay Hotel Dusit2D ayaa waxaa sida ay dowlada Kenya sheegtay ku dhintey 21 ruux iyadoo sidoo kale ay ku dhinteen shantii nin ee fulisay weerarka.