AKHRISO:- Wararkii ugu dambeeyay nin lagu qabtay walxo qarxa oo raaci rabay Diyaaradda Ethiopian Airline

0

Faah faahin ayaa ka soo baxaya Nin Ajnabi ah oo Sabtidii la soo dhaafay lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaasoo boorsadiisa laga helay walxo qarxa, xilli uu raaci rabay Diyaaradda Ethiopian Airlines.

Ninkan ayaa la sheegay inuu u dhashay dalka Koofur Afrika, waxaana boorso uu watay laga helay Gaaska qarxa.

Ciidamada Ammaanka Garoonka ayaa ninkan gacanta ku dhigay, waxaana markii dambe la wareegay Ciidamo Ajnabi ah oo Garoonka ku sugan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ninkan uu u shaqeynayay Shirkad Ajnabi ah oo xarunteeda tahay yahay Xeyndaabka Garoonka diyaaradaha.

Diyaaradda Ethipian Airlines ayaa si KMG ah u hakisay baajisay duulimaadkeeda Muqdisho, sababo la xiriira ninka ka midka ahaa rakaabka diyaaradda ee boorsadiisa laga helay walxaha Gaaska qarxa.