Gudoomiyihii Dhalinyarada Degmada Hodan oo dhaawac loo geytay u geeriyooday

0

Kooxo hubeysan ayaa duhurnimadii maanta dhaawac culus u geystay gudoomiyihii ururka dhalinyarada degmada Hodan ka dibna wuxuu u geeriyooday Dhaawacaasi.

Xuseen Hadaafow ayaa lagu weeraray qeybo ka mid ah degmada Hodan, waxaana la sheegay in dhowr xabadood ay ka haleeleen qeybaha sare ee jirka oo madaxa ah, isla markaana loo la cararay isbitaalka Halkaasina uu ku geeriyooday Galabnimadan, iyadoona kooxaha falkaasi geystay ay ka baxsadeen goobta.

Dilalka lagu hayo masuuliyiinta degmooyinka, ciidamada iyo dadka kale ee dowlada la shaqeeya ayaa joogto ka ah magaalada Muqdisho, waxaana masuuliyadooda inta badan sheegta Kooxda Al-shabaab.